Qoddobo Lagu Xalinaayo Colaadda Tuke-raq Oo La Soo Saaray & Kulan Dhex Maray…

962
Sawir hore - Ciidamo ku gaashaaman hub dagaal/Google

Mas’uuliyiinta beesha degta gobolka Sool ‘Dhulbahante’ ugu jira xukuumadda iyo golleyaasha qaranka Somaliland ayaa waxa ay maanta Hargeysa kulan la yeesheen ergeyga qamarada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ku-xigeenkiisa  iyagoo ka wadda hadlay sidii xiisadda colaaddeed ee halkaasi ka taagan loo soo afjari lahaa.

Kulankani ay wada qaateen danjire Keating iyo madaxdda beesha degta gobolkaasi degta waxa laga soo saaray qodobbo ay sheegeen in ay xal u noqon doonaan xiisadda halkaasi ka taagan. Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu qeyb ka ahaa kulankani deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool oo saxaafadda u akhriyey qodobada ka soo baxay kulanka waxa uu sheegay in iyaga ‘Dhulbahante’ iyo Qaramada Midoobay ay isla qaateen qoddobadan; In xabad joojin la saameyo, In ciidamada is horfadhiyaa ay iyagu toos u wada hadli karaan, In wixii gargaar ah ee loo wado dadka deegaankaasi deggan aan la carqaladeynin, In dowladda Somaliland ay arrinta Tuke-raq kala xaajoodaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya kadib markii uu dhawaan danjire Micheal Keating uu madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Maxamed Gaas isaga kala hadlay colaadda Tuke-raq. Waxaana la sheegay in kulankan ay maanta wadda yeesheen madaxda beeshaasi gaar ahaan kuwan Somaliland iyo Danjire Keating uu dabo socdo uun kulankaasi hore.

Xornimonews – Hargeysa Desk