“U Coddeyn Maayo Kuwa Dalka Xoogga Ku Qabsaday…” Mugabe

441
Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Mugabe

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Harare ee xarunta dalkaas, waxaa uu kaga hadlayay doorashada berri ka dhaceysa dalkaasi.

Mugabe gurigiisa ayaa si lama filaan ah looga yeeray warbaahinta waxaana uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in doorashada berri uusan u codeyneyn kuwa uu ku tilmaamay in ay dalka ku qabsadeen sharci darro.

Mr Mugabe ayaa laga wareejiyay awoodda dalkaas bishii November ee sanadkii hore markii uu shaqada ka ceyriyay ku-xigeenkiisii hore haddana ah madaxweynaha dalka.

Mr Mugabe ayaa sheegay in la wareegistii milatariga ee dalka Zimbabwe ay ahayd sharci darro waxaana uu mid aan dimuqraaddi ahayn ku tilmaamay doorashada berri dhaceysa ee Madaxtinimada dalkaas.

Xornimonews – Hargeysa Desk