Xanuun Naadir Ah: Wiil Dhiman Kara Haddii Fallaadhaha Qorraxda Ay Jidhkiisa Qabtaan

354

Wiil dhalinyaro ah oo reer Ingiriis ah lana yidhhdo “Alex” ayaa la dhibaatoonaya cudur nadir ah, shucaaca Qorraxda ayaa dili kara haddii uu isku dhigo oo jirkiisa ay qabtaan fallaadhaha Qorraxda.
Waxa uu xasaasiyad daran ka qabaa qorraxda iftiinkeeda oo haddii ay jirkiisa qabato uu gebi ahaanba gubanayo. Illaa yaraantiisii inuu dibadda u soo baxo dhibaato ayuu ku qabay, wiilkan dhalinyarada ah ayaa marka uu bannaanka soo aadayo qaata dhar iftiinka qorraxda ka difaaca jirkiisuna uu kaga badbaado illaa yaraantiisii ayey xaaladdiisu sidaa ahayd.
Haweenay caanka ku ah fashion-ka iyo dharka model-ka ah oo la yiraahdo “Zoe Loughlin”, ayaa xilli sii horreysay wiilkan dhalinyaradaha u ballanqaaday iney mushkiladdiisa uu la dhibaatoonayo ay xal u heli doonto.
Haweenaydan waxaa u suurogashay iney soo saarto koofiyad Smarts ah oo jirka Alex ka difaacaysa fallaaraha Qorraxda, halka hawadana jirka ay soo gaarsiineyso, Alex marka uu xirto kuleyl daran ma dareemo sidii horey u dhici jirtay.
Source: Maandeeq Fm