Xildhibaan Guurtida Somaliland Ka Tirsan Oo Geeriyooday

541

Alle haw naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed oo ku magac dheeraa Jaamac Riyo. Xildhibaankan ayaa ka tirsanaa gollaha guurtida Somaliland.

Ehelada marxuunka ayaa xaqiijisay geerida xildhibaanka.

Jaamac Riyo ayaa sidoo kale ahaa hal abuur curiyey maansooyin iyo heeso badan. Meyda marxuunka ayaan la sheegin halka lagu aasi doono.

Xornimonews – Hargeysa Desk