Cabdiweli Gaas: Puntland Diyaar Uma Aha Wada-hadal Ilaa Inta Ay Somaliland Ka Baxayso Dhulkeeda

513
Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas - Madaxwaynaha Maamulka Puntland - Sawirka [Google photo file]

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland ayaaa waraysi uu siiyay mid ka mida telefishinada Soomaalida RNT TV  waxaa uu ka hadlay arimaha doorashada Puntland 2019 oo ay ka dhiman tahay 5 bilood, dagaalada Tukaraq, xidhiidhka dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.

Gaas oo ka hadlay xaaladda Tuke-raq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland muddooyinkii u danbeeyey ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay iyaga ‘Puntland iyo Somaliland’ ka dhex waddo waan waan nabaddeed oo xaaladda Tuke-raq ku saabsan. Cabdiweli Gaas wuxuu intaasi ku daray in ay  qaramada ay arrinkaas ku hawlantahay taasina ay tahay shaqadeeda sidoo kale waxa uu ku celiyay in Puntland aysan diyaar u ahayn wada hadal ilaa iyo inta Somaliland dhulkeeda ku laabanayso.

Xornimonews – Garoowe Desk