Dalka Zimbabwe Oo Looga Dareeray Doorasho Aanu Musharrax Ahayn Robert Mugabe

236

Dalka Zimbabwe ayaa waxa looga dareereen doorashadii ugu horraysay tan iyo markii xukunka si qasab ah looga tuuray madaxweynihii da’da ahaa ee Robert Mogabe bishii November ee Sannadkii hore, doorashadan ayaa waxa u diiwaan gashan dad ka badan 5 milyan oo qof.

Dadweynaha ayaa waxa ay doorashadan u dareerayaan iyada oo aanu sharraxnayn Robert Mogabe laga soo bilaabo 1980-kii isaga oo illaa xilligaas soo ahaa Robert Mogabe musharrax guulaysayay uun isagu.

Goobaha cod bixinta ayaa ay dadku kaga jiraan safaf si ay codkooda u dhiibtaan, waxaana waddankaasi ku sugan kor joogayaal caalami ah kuwaasi oo indho indhaynay qaabka ay doorashadu u socoto.

Doorashadan ayaa waxa si adag ugu loollamaya hoggaamiyihii xilka kala wareegay Mogabe ee Emmerson Mnagagwa iyo hoggaamiye mucaarad ah oo la yidhaahdo Nelson Chamisa kana sharraxan xisbiga MDC.