DEG DEG: Beer La Garan Wayay Oo Lagu Qabtay Kaantaroolka Gabiley [Muuqaal]

1302

Ciidama amaanka gobolka Gabiley ayaa sheegay in ay xalay kaantaroolka bari ee magaaladaasi ay ku qabteen beer la garan wayay nooc uu yahay. Beerkani ayay sheegeen ciidamadu in laga keenay dhanka Itoobiya isla markaasina loo waday magaalada Hargeysa. Gaadhiga waday beerkani iyo ninkii darawalka ahaa ayay sheegeen ciidamadu in ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha saldhigga gobolkaasi oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ay gubeen beerkani ay garan waayeen nooca uu yahay. Taliyihu waxa uu intaasi ku daray in arrintani ay tahay mid naxdin leh isla markaasina ay ciidanka amaanku goor walba diyaar u yihiin badbaada shacabka.

Mid kamid ah dhakhaatiirka gobolka Gabiley oo isna hadlay wuxuu sheegay in beerkani ay eegeen ka caafimaad ahaan isla markaasina aanu ahayn wax ay hore u arkeen, sidoo kalena aanu ahayn wax la cunni karo.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan

Xornimonews – Hargeysa Desk