Maraykanka Oo Ku Hanjabay In Uu Turkiga Baabiin Doono Iyo Turkiga Oo U Jawaabay

622

Dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa madaxa isla galay kadib markii hadalladii ugu kululaa ay warbaahinta isku weydaarsadeen 6 masuul oo labada dal ahi.
Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay kadib markii Maxkamad ku taalla dalka Turkigu ay xabsiga kasii deysay wadaad Kiristaan ah una dhashay dalka Maraykanka kaasi oo ku xidhnaa dalka Turkiga balse saacado kadib ayay Maxkamaddu ku xukuntay xabsi guri.
Masuuliyiinta labada dal oo ay ugu horreeyaan Donald Trump iyo Erdogan ayaa hadallo kulul isweydaarsaday ugu horrayna Madaxweynaha dalkaasi Marayka ayaa hanjabaad xooggan kuna yaryahay hadalka diblomaasiyaddu ku soo qoray bartiisa twitterka waxaanu ku yidhi “Maraykanku waxa uu ku soo rogi doonaa dalka Turkiga xannibaado iyo cunaqabatayn xooggan sababtoo ah muddada dheer ee ay xidheen Andrew Brunson, oo ah nin wanaagsan oo Kiristaan ah kana soo jeeda qoys wanaagsan oo kiristaan ah, shakhsiyad wanaagsanna leh, kaasi oo si xun loo dhibaateeyay. Ninkan waxba aan galabsan waa in si deg deg ah loo sii daayaa!”.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa ka jawaabay hadalkaasi Trump waxaana uu yidhi “Hadalka kasoo duulay Madaxweynaha dalkaasi Turkiga ee ku saabsan in lasii daayo wadaadkan waxa uu u muuqdaa dagaal dhinaca qalbiga ah ama dagaal nafsi ah waana tan ta aan u sheegayaa in hadalkaas ama habdhaqankaas loola yimaaddo dal saaxiib dhaw aad tihiin, sidaas darteed dawladda Turkigu waxa ay haysataa sharciyo u gaar ah oo lagula dhaqmo dadka argagixisada ku lugta leh, taasina maaha mid dawladda Turkigu ay u tanaasulayso mana aha dhaqan maxaabiis is dhaafsi ah”.

Kadib hadalladaasi kul kulul ee ay isweydaarsadeen labada Madaxweyne waxa ay xiisaddu kasii dartay markii madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Maraykanka Mark Bensi uu isna farriin hanjabaad ah cad ah usoo diray dalka Turkiga waxaana uu yidhi “Dawladda Turkigu waxa ay qaadatay masuuliyadd ah inay dhibaatayso wadaadkaas,waxaanan u sheegaynaa in Maraykanku ku sameyn doono dhibaato aad u weyn oo ay kasoo kici waayaan Turkidu haddii aan sida ugu dhaksaha badan loo soo deynin hoggaamiye diimeedkaas, waxaanan u sheegaynaa in Maraykanka uu dulqaadkii ka dhammaaday, sidaas daraadeed Turkiga waxaannu leenahay u diyaar garooba dhibaato xooggan oo aad cawaaqib xumadeeda ka sheekaysaan haddii aydaan si deg dega usii deynin wadaadkaas oo aydaan gurigiisii ugu soo dirin”.
Intaas kadib waxa isna Madaxweyne Ku xigeenka Maraykanka u jawaabay Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga XAMI OXI waxaanu yidhi ” Hadalka kasoo yeedhay madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanku waxa uu salka ku hayaa mid ka dhan ah madaxbannaanida iyo jiritaanka qarannimada dalk Turkiga kaasi oo ah in loo sheego horta in Turkigu leeyahay garsoor u gaar ah kaas oo gacanta ku haya hawsha wadaadka la eedeeyay, waxaanan u sheegaynaa hadalladan ka dhanka Turkigu waa kuwo aan la qaadan karin,Turkiguna wuu ka weynyahay mid loo handado, habdhaqanka dimuqraadiyadda iyo siday dalalku u dhaqmaanna waa mid baal marsan”.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda dalka Maraykanka Mark Bombio ayaa isna ka qeyb qaatay hadalladan la is weydaarsaday balse isagu waxa uu isku deyay in uu xiisadda qaboojiyo waxaanu hadalkiisa ku soo koobay in tallaabada xabsi guriga ah ee laga daba keenay wadaadka ay tahay mid aan ku filnayn in dalalka xidhiidhkoodu uu hagaago, waxaanu khadka taleefanka kula soo hadlay dhiggiisa dalkaasi Turkiga Mavis Kavis Oglo, waxaana wada hadalkaasi dhex maray labada masuul tafaasiil ka bixiyay Maflet Kavis Oglo waxaanu yidhi waxaan u sheegay in dalka Turkigu aanu ahayn mid loo yeedhiyo waxa uu samaynayo sida dalalka qaarkood sidaa daraadeed ay tahay in ay hadalkooda eegaan ama erayadooda ay ka fiirsadaan, waxaana uu sheegay in wada hadalka dhexmaray labadoodu uu noqon karo mid midho dhal ah haddii dawladda Maraykanku hadalladeeda u fiirsato Turkiguna abidkii ma qaadanayo hanjabaad uga timaadda cid kasta.

Labadan dal oo cilaaqaad weyni ka dhexeeyo kuna wada jira ururka NATO ayaa haddana mararka qaar iskaga hor yimaadda dhacdooyinka qaar.

Warbaahinta Xornimo Media Group

Xornimonews@hotmail.co