Maxay Tahay Raali Gelinta Ay ONLF Ka Heshay Dowladda Soomaaliya

523

Ururka ONLF ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay raalli gelin ka bixisay dhiibistii C/Kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax.

Hoggaamiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa Idaacadda Codka Mareykanka qeybteeda Af Soomaaliga u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu raalli gelin ka bixiyay dhiibistii Qalbi-dhagax.

Mr Cismaan ayaa sheegay in kulan dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo uu madaxweynaha ka sheegay in ay raalli gelin ka bixineyso dowladda Soomaaliya wixii dhacay sidoo kalena ka shallaayeeyso.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho saddex cesho ah ku jooga madaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eritrea sidoo kalena ah fadhiga ugu weyn ee ONLF.