Raggii imisaa ka hadhay

358
work office desk with a cup of coffee computer laptop, notebook, pen

Dib u arki maysaan Suxufi Yoonis Cali Nuur, codkiisii Qaboobaa ee markuu qurxinayo uu yare Jiidjiidi jirey isagoo weliba ku faani jirey in lahjaddiisa laga garto inuu reer Gabiley yahay. Illaahay haw naxariisto Marxuunka, wuxuu ahaa Oday jeclaa in dadka oo dhami wada wanaagsanaadaan iyo Siyaasi qoraal wacan. haddii Alle idmo markaynu Laydh u samayno Suuqa Arabsiyo ee iminka habeenkii Tooshka lagu ganacsado ( suuqa keliya ee noociisa ah Soomaalilaan ) ayaynu ugu magac dari doonaa ” Suuqa Suxufi Yoonis ‘.

 

Waxaa isna Hargeysa ku geeriyoodey marxuun Jaamac Riyo oo ahaa Abwaan, Xildhibaan, Oday dalkiisa jecel, wuxuu ka mid ahaa inyar oo aaminsan in Somaliland maalmo ka adag soo martay oo aanay maanta ahayn maalin loo baqo, xigmaddiisii uu ku sii dardaarmay waxaa ka mid ahaa;

Anoo Dhiin Sacaygiyo, Ri’daydii Seenyo maala
Anoo sixin iyo karuur leh, Anoo Sulub caanaheeda
Sibraarrada laygu kaydsho, Anoo soof ii dareero
Anoo Saylado ka caan ah, Dhulkayga Sareedadiisa
Khayraadka salkiisa jiifa, Saliiddiyo ceelashayda
Bad weynta Kaluun sabbeeya, Xadkeygoo saaran Lowga
Summaddii calankay ku taalo, Anoo saadaasha Geeska
Halkii ugu suubanayd ah, Anoo nabadda u suldaana
Anoo Soomaalilaan ah, Sideed iyo Tobanka may
Anoo ay ii sugnaatay, Sabaalo ninkii wadoow
Sirtaadu ma meel marayso.

Dhowr Todhoqle ayaa Rag iyo Dumarba kasii hadhay, Intii dhimatay Illaah haw naxariisto inta joogtana ha laga faa’ideysto hana la ilaashado.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com