Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xiisadda TUKE-RAQ

731
Raysal wasaaraha Soomaaliya

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safar bookhasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanka Tuke-raq muddoyinkii u danbeeyey. Xasan Cali Kheyre waxa uu sheegay in xiisadda halkaasi ka taagan lagu dhammeeyo is af-garad iyo wada-hadal.

Raysal wasaare Kheyre waxa uu intaasi ku daray in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay in la ilaaliyo. “Colaada Tukaraq waa in lagu dhameeyaa is afgarad iyo nabad iyadoo la ilaalinayo midnimada ummadda Soomaaliyeed” ayuu Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Khayre waxa uu wax lagu xumaado ku tilmaamey xiisada ka taagan Tuke-raq, waxaa uuna tilmaamey in waqtigaan aan loo baahnayn dagaal, xiisadaasna lagu bedelo xasilooni, nabad iyo horumar, Kheyre wuxuu bulshada ugu baaqay in arrinkaas la dajiyo oo la tabliiqiyo.

Ugu danbeyntiina deegaanka Tuke-raq muddooyinki u danbeeyey waxay dagaallo khasaare badani ka dhashay ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland – inkasta oo hadda xaaladda deegaankaasi deggan tahay. Dhexdhexaadin ayaana sidoo kale ay Qaramada Midoobay ka dhex wadaa laba dhinacba ‘Puntland iyo Somaliland’ si colaadda halkaasi ka jirta loo soo af jaro.

Xornimonews – Hargeysa Desk