Tigrayga Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay Rabitaankooda Inay Ka Go’ayaan Itoobiya

976

Jabhadda xoreynta Tigrayga Ethiopia ee TPLF ayaa ku hanjabtay inay ka go’i doonaan dalka Ethiopia intiisa kale, xilli ay jirto xiisad ka dhex oogan Raiisalwasaare Abey Ahmed Iyo Qoomiyadda Tigrayga ee dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka gobolka Tigrayga Debrestion Gebremichael ayaa khudbad uu u jeediyey dad isugu soo baxay garoonka kubadda cagta magaalada Mekelle waxa uu uga digay in la ixtiraamo dastuurka dalka Ethiopia, waxaana uu yidhi “Laba mid ayaa dhici doonta in annaga iyo qowmiyadaha kale aan Ethiopia ugu wada noolaano si xushmad leh, ama inaan burburino Ethiopia, oo koox walba ay dal sameysato” ayuu yiri Debrestion Gebremichael isaga oo madax ku sita koofiyad uu ku sawiran yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi, oo isna ahaa Qoomiyadda Tigrayga.

warbaahinta dalka Ethiopia ayaa Qaar ka mid ahi ayaa cinwaan ka dhigeen “TPLF waxay dib usoo saartay siyaasaddii xornimada ee sanaddii 1976-kii”
Tigrayga oo ku dhowaad 25 sano xukumayey Ethiopia, ayaa hadda ay u muuqataa in taladii iyo awooddii ay dalka ku lahaayeen ay gacantooda si toosa uga baxday, waaxaana ay aad u dhibsanayaan siyaasadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee talada dalka dadka oo dhan looga qeyb galinayo.
Raisalwasaare Abey Axmed ayaa waxa uu xilal sar sare ka qaaday qoomiyadda Tigrayga taasi oo ka mid ahaayeen taliyayaal ciidan oo aan la badeli jirin, kuna tagri fali jiray awoodaha dawladda una adeegsan jiray cabdudhinta dadka.