Wax Ka Ogow Haweenayda Ugu Muhiimsan Gudaha Shirkadda Facebook

172

Haddii aad daneyso dunida teknoolojiyada waxaa hubaal ah inuu ku soo maray magaca “Sheryl Sandberg“, oo si joogta ah aad ugu maqashay wararka ku saabsan shirkadda Facebook, maamaulaha howlgallada ee gudaha shirkadda teknoloojiyadda ee tunka weyn, waa haweenay uu si weyn ugu tiirsan yahay milkiilaha shirkadda ee Mark Zuckerberg, sidaas oo kale waxey ka soo muuqataa inta badan kulamada muhiimka ah ee mas’uuliyiinta shirkadda iyo shaqaalaha kale, Sheryl waxey shacbiyad ballaaran ku leedahay gudaha waadiga Silicon ee (Silicon Valley).

Sheryl waxey dhalatay August 28, 1969, waa ganacsade Mareykan ah, waxey shahaadada Bachelor’s degree ka qaadatay dhaqaalaha iyadoo ka baxday Jaamacadda Harvard, waxey ka howlgashay Bankiga Adduuka, sidaas oo kale waxey ka howlgashay wasaaradda lacagta ee dalka Mareykanka, intaa kadib waxey ka shaqo bilowda shrikadaha teknoolojiyada, bilowgii hore waxey ka shaqo bilowday Google, mashaariic badan ayay saameyn ku lahayd maadama ay ahayd ku xigeenka maamulaha fulinta ee iibgeynta dhinaca Internet-ka.

Facebook waxey soo gaartay 2008 illaa hadana way ka howlgashaa, waxey qabatay jagada mas’uulka shaqaalaha ee gudaha Facebook sanadkii 2013, sidaas oo kale waa xubin ka tirsan maamulka shirkadda.

Waxey alliftay buug la yiraahdo: “Lean In: Women, Work, and the Will to Lead.” buuggan waxaa laga iibsaday 1-milyan oo nuskhadood, waana buug dhiirrigelin u noqday dumar badan.

Sidoo kale waxey ku jirtaa dumarka ugu taajirsan adduunka, hantideeda waxaa lagu qiyaasaa 1.6 billion oo doollar Mareykan ah. jariidada “Times” ee ka soo baxda dalka Mareykanka ayaa sanadkii 2012 waxey ku dartay liiska 100 qof ee dunida ugu saameynta badan.

Xigasho: MaandeeqFm