Dadka Turkida Ah Oo Laga Mamnuucay Booqashada Masjidka Qudus Iyo Waddamo Carbeed Oo Basaasay

636

Dalka Israel ayaa waxa uu ka hor istaagay 90 qof oo Turki ah inay soo galaan dhulka Falastiin ee ay haystaan Yuhuuddu, sida ay sheegtay shirkad ka shaqaysa kaxaynta iyo dalxiisinta dadka ee meelaha ay u baahanyihiin, madaxda shirkaddaasi ayaa sheegay in dad dadkaas lagula kacay meel kadhac weyn.

Madaxa shirkadda dalxiiska ee dadkaasi waday ayaa sheegay in gebi ahaan dadku ay haysteen fiise wada jir ah oo dal ku gal ah kaasi oo magacyadooda oo dhami ku qornaayeen islamarkaana Israel soo bixisay, balse markii ay dadku soo gaadheen garoonka diyaaradaha ee Israel 90 qof oo ka mid ah loo diiday in gudaha ay u galaan Qudus.
Dadkan ayaa sida wararku sheegayaan dawladda Israel waxa ay u fahantay in ay ku jiraan dad maalqabeenno ah iyo dad aqoonyahanno ah oo doonaya in ay maal gashadaan magaalada Qudus ee ay Yuhuuddu haystaan.


Toddobaaddo ka hor ayay ahayd markii warar sirdoon oo ka dhan ah Turkida soo galaya Qudus ay u gudbiyeen Yuhuudda maamulka Maxamuud Cabbaas, Sucuudiga iyo Urdun, taasi oo ay ku sheegeen in ay soo badanayaan dadka Turkida ah ee dhaqaalaha haysta iyo dhallinyaro xooggan oo Turki ah una eeg in ay tabobar Millitari haystaan, soo degitaanka turkida ee Quddus ayaanay Carabtu aad uga cadhootay.


Dawlada Israel ayaa intaas ka dib waxa ay qaadday olole ay ku yaraynayso dadka Turkida ah ee soo booqanaya magaalada Barakaysan ee Qudus.
Mid ka mid ah 90kii qof ee laga celiyay in ay booqdaan Qudus islamarkaan ah gabadh dhallinyaro ah ayaa sheegtay in ay tahay gabadh Master ah ujeeddadeenu ay ahayd sidii ay cilmi baadhis uga soo samayn lahayd magaalada Qudus iyo xaaladdeeda.


Labada dal ee Israel iyo Turkiga ayaa waxa muddooyinkii ugu dambeeyay soo kala dhex galay khilaaf xooggan oo ka kacay kadib markii dad badan oo Falastiiniyiin ah bishii March ee sannadkan ay Yuhuuddu ku laayeen bannaan baxyadii kasoo cusboonaaday Qudus, taasi oo gaadhay in Madaxweynaha Turkiga iyo Raisalwasaaraha Yuhuuddu ay is weydaarsadeen hadallo kul kulul oo shaqsi weerar gaadhay.


Hore bishii May dawladda Turkigu waxa ay u caydhisay safiirkii ee Israel u fadhiyay Turkiga, iyaga oo bahdil ku sameeyay islamarkaana Suunka iyo kabaha inta ay ka saareen ku amray in uu maro meelaha shacabka ee garoonkii uu diyaaradda kasoo raacayay.


Ugu dambayna ololahan Israel ay waddo ayaa waxa qeyb ka ah waddamada Sucuudiga,Imaaraatka,Urdun iyo xukuumadda Falastiiniyiinta ee Cabbaas hoggaamiyo kuwaasi oo gacansaar dhaw la ah Yuhuudda, halka Turkigu uu saaxiib la ayahay ururka reer Falastiin ee Xamaas iyo dawladda Iran.

Xornimonews-Dubai Desk

Xornimonews@hotmail.co