Faahfaahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Oo Galaaftay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Khaatumo

797

Qaraxan oo dhacay fiidkii hore ee caawa ayaa waxaa la sheegayaa in qof walxaha qarxa ku xidhnaayeen uu beegsaday gaadhi ay saaraayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Khaatumo garabka loogu yeedho badbaado Khaatumo.

Laba mas’uul ayaa wararka hordhaca ay sheegayaan in ay dhinteen oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha magaalada Khaatumo  Ahmed Maxamuud Doolaal.

Khasaaraha dadka ayaa aad u badan sida uu shabakadda Hiiraan oo aanu soo xiganayno u sheegay goobjooge lagu magacaabo Cabdilaahi Cabdi oo meel aan ka fogey joogey halka qaraxu ka dhacay “Ma garanayo qasaaraha iyo sida wax u dheceen bal se waxaa meesha yaala dad badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, masuuliyiin ayaa ku jira waa dhinteen iyo waa dhaawac intaba waa la sheegayaa” ayuu yidhi goobjoogahani.

Qaraxa noocan ah ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Buuhoodle, waxaana dadka magaaladaasi ku dhaqan ay ku tilmaamayaan anfarii.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaadhi gaar ahaan nooca loo yaqaanno Nohada sida ay ku warramayaan weriyayaal ku sugan magaaladaasi.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkan kala soco 

Xornimonews – Hargeysa Desk