Dhacdo Naxdin Leh: Nin Waardiye Ah Oo Faro Xumeeyay Meyd Ku Jiray Qaboojiyaha

2442
Sawirka Waardiye Cameron Wright, 23 jir ah, laguna eedeeyay in uu Meyd u galmooday; sidaa waxa sheegay maamulka Cisbitaalka Tennesee

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Cisbitaal lagu magacaabo Tennessee oo ku yaalla magaalada Memphis ee dalka Maraykanka kadib markii Nin ilaaliye ama waardiye ka ahaa Cisbitaalka uu u galmooday Gabadh Meyd ah oo ku jirtay Qaboojiyaha ama tallaagadda Cisbitaalka ee Meydka la dhigo; sida ay sheegeen maamulka cisbitaalka Tennesee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Ninka waardiyaha ah ee falkan geystay ayaa lagu magacaabaa Cameron Wright kaasi oo da’diisu tahay 23 jir.

Cameron Wright ayaa lasoo xidhay waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu u galmooday meyd ku jiray qaboojiyaha waxaana markhaatiga ku furay laba qof oo arkayay wakhtigaa uu galmada ku sameeyay meydka oo ku jiray Qaboojiyaha Cisbitaalka Magaalada Memphis; sida uu sheegay Xafiiska Gobolka shelby.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in Wight uu qirtay dembiga faro xumeynta ah ee uu meydka kula kacay sida ay baahisay Fox news.

Maamulka Cisbitaalka Memphis oo ka hadlay dhacdadan Cisbitaalkooda ka dhacday ayaa yidhi “Daweynta bukaanka aan u adeegno sharaftooda iyo ixtiraamkoodu waa mudnaantayada koowaad,”. waxaana intaas ay ku dareen “Dabeecadda Ninkani ma matalayo waxa cisbitaalkayagu u taagan yahay, tallaabada uu ku kacayna waa mid aan gebi ahaanba la aqbali karin. Waanu ka xunahay dhacdadan, waxaanan la dareensanahay oo aan la murugaysanahay qoyska dhibbanta la faro xumeeyay. ”

Dembiile Cameron Wright walaashii oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in walaalkeed ay wax ka khaldanyihiin waxaanay tidhi “Waxaan u maleynayaa inuu weli yahay qof wanaagsan, kaliya wuxuu u baahan yahay caawinaad,” ayay tiri. “Waxaanan taas ula jeedaa, sababtoo ah qofkasta oo sameeya fal sidaas oo kale ah u xun, waxaa qasab ah in ay wax qaldan yihiin.”

Haweenayda Meydkeeda la faro xumeeyay ayaa da’deedu ahayd 37 jir waxaana ay u geeriyootay xanuun kaga soo booday wadnaha maalintii Arbacadii, waxaanay ahayd macallimad wax ka dhigi jirtay goob carruurta lagu xanaaneeyo;sida uu baahiya TV-ga WMC ee Memphis.

Aabaha dhalay gabadha meydkeeda kufsiga lagula kacay ayaa yidhi “kama murogoonayo kaliya dhimashadeeda, waxaan la murugoonayaa arintan kufsiga mana aha mid caddaalad ah,”.

Xornimonews-Hargeisa Desk