Dabley Oromo Ah Oo Ku Dhawaad 10 Qof Oo Soomaali Ah Ku Dilay Duleedka Jigjiga

1235

Dabley hubeysan oo kasoo jeedda Qoomiyadda Oromada ayaa la sheegay i maanta ay ku dileen 7 qof oo Soomaali ah duleedka Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya.

Dableyda Oromada ah ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen dad beeralay ah oo Soomaali ah kuwaasi oo degganaa deegaanka Jincasleey oo aan aad uga fogayn magaalada Jigjiga.

Dadkan la laayay ee Soomaalida ah ayaa waxa ay magacyadooda lagu kala sheegay:

1.Cabdisalan mohamed mohamud
2. Cabdi khadar mohamed haji
3. Ahmed ow mohamed nuur
4. Cabdulaahi yuusuf
5. Cabdi nuur muuse
6. Ismaacil mohamed ali
7. Xasan cabdi ducaale

Dableyda ayaa sidoo kale waxa ay boob iyo dhac u gaysteen hantidii dadkaasi ay laayeen ee Soomaalida ah iyaga oo qaar kalena dhaawacyo u geystay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka la laayay ee Soomaalida ah ay dhammaantood isku qoys ka soo jeedeen.

Bilihii ugu dambeeyay waxa ka taagan dalka Itoobiya colaado ku salaysan qoomiyado waxaana ugu dhimasho badan colaadda Soomaalida iyo Oromada.