Dagaal Xooggan Oo Ka Socda Gudaha Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan

240

Wararka ka imanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Booliska iyo Maleeshiyo hubeysan.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen Saldhigga Booliska magaalada Baladweyne si ay ula baxaan Nin askariya oo halkaasi ku xidhan kaasi oo maalintii Shalay magaalada Baladweyne ku dilay Wiil mooto Bajaaj watay oo maleeshiyada ay isku qoys ahaayeen.

Ragga weerarka ku qaaday Saldhiga oo la socday gaadiid kala duwan ayaa qaarkood gudaha u galay Saldhiga sida aan xogta ku heleyno, halka qaarna ay ka dagaalamayaan banaanka Saldhiga.

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa sheegay in Rasaas xooggan ay ka dhacaysa agagaarka saldhigga booliska magaalada Baladweyne taasi oo markii dambe ku fiday magaalada.

Illaa iyo hadda lama garan karo sida xaaladdu ku dambayn doonto balse waxa socda dadaallo la rabo in lagu xakameeyo dagaalka.

Gabi ahaanba Ganacsiga iyo isu socodka magaalada Baladweyne ayaa xidhan maanta qalalaasaha iyo dagaalka ka socda saldhigga booliska aawadeed.