Meydka Nin La Dilay Oo Lagu Arkay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

225

Wararka naga soo gaadhaya degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in agagaarka Saldhigga Booliska ee degmadaasi lagu arkay Meyd qof nin ah kaasi oo la dilay.

Dad ku nool Xaafadaasi ayaa qaarkood waxa ay u sheegeen idaacadda Dalsan in ninkaasi uu doonayay inuu u dhaco Guri ku yaalla nawaaxiga Saldhiga degmada Yaaqshiid sidaasi lagu dilay,isla markaana xaafadaha degmada Yaaqshiid aad looga yaqaano.

Ciidamo kamida kuwa saldhigga degmada Yaaqshiid ayaa ku sugan goobta meydka uu yaallo waxaana ku urursan dadweyne ka soo yaacay agagaarka goobta meydka lagu arkay.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa aad hoos ugu dhacay usbuucyadii ugu dambeeyay illaa iyo haatanna maamulka degmada iyo laamaha ammaanku kama ay hadal meydkan goobta yaalla ee la dilay.

Xornimonews-Xafiiska Muqdisho