Muumule Bangi Oo Taajiriinta Ka Xadda Lacago Si Uu Ugu Taageero Dad Sabool Ah

Acconnadan, ayuu lacago kala baxayay muddo muddo 7 sano ah, isagoo lacagtaa u xawilayay acconnada dadka faqiirka ah

311

Gilberto Baschiera, oo ah maamule bank magaalo yar oo ku taalla dalka Taliyaaniga,  ayaa waxa uu hal-milyan oo euro ka xaday acconnada dadka taarjiriinta ah, si uu ugu taageero dad faqiir ah oo u baahan.

Acconnadan, ayuu lacago kala baxayay muddo muddo 7 sano ah, isagoo lacagtaa u xawilayay acconnada dadka faqiirka ah, isagoo ka garabsiinaya si ay u heleen daymo, hal Euro oo qura, naftiisa uma aanuu reebi jirin.

Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii macaamiisha qaar ee uu dayn siiyaya ay iska bixin kari waayeen lacagihii la daymiyay. Baschiera markaa dhibaato ayay luhaga u geliyeen. si uu lacagtaa u gudo, waxa uu ku waayay gurigiisa iyo shaqadiisa, maxkamaddu waxey ku xukuntay labo sanno oo xarig ah iyadoo loo ogolaaday in damiin lagu sii dayn karo.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).