Dhakhaatiir Soomaali ah oo Isbitaal weyn ka hirgeliyay Ohio

128

 

 

Muqdisho (Xornimonews);- Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgeliyay isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah  oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud.

Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhaqaatiir Soomaali iyo ajanaba isugu jiraan kaasi oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka.

Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhaqaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwan yahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Takhasus leh.

Furitaanka isbitaalkan waxaa ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudadii ay xafladu socotay waxay dadku isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xilli loo baahnaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan.

Drs. Farhiya Mohamud Shirwa & Drs. Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan.

Waxa ay arrintani dhiirigelin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barata dalka Mareykanka oo ah dal ardayda ay maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha xaalado kala duwan oo  la xariira maareynta shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada  waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh.

source:sonna