Shaaha Oo Cuntada Kadib La Cabbo.. Dhibaatadan Caafimaad Ayay Leedahay!

225

Shaaha oo la cabbo cunnada kadib waa caado ay dad badani ku dhaqmaan oo dowalado badan oo adduunka ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay, gaar ahaan xilliga quraacda iyo cashada kadib, daraasado caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in arrintaasi ay dhibaatadeeda leedahay, waxey dhibaato ka soo gaaraysaa qofka shaaha cabbi waaya xilliga ku habboon.

Fikiradda daraasaddan ayaa ku kor wareegaysa dhibaatada uu shaahu leeyahay marka cuntada la cuno ka dib, waxaase isweydiin leh sidee shaahu uu jirka ku saameeyaa?
Sida uu qoray wargeysa Health Innovation Exchange, caleemaha shaahu ee Acid-ka leh, waxey si taban oo aan wanaagsaneyn u saameysaa howsha dheefshiidka jirka aadanaha, waa marka la cabbo shaaha cuntada kadib.

Haddii cuntada aad cuneyso uu Barotiin ku jiro, waa sida ay cuntadu u badan tahaye, maadada acid ka ah ee shaaha ku jirta waxey bedelaysa habdhiska protine-ka oo ay ku adkaaneyso in ay dheefshiidku uu socodsiiyo, arrintaas oo keeni karta calool majiir.
Sidaas oo kale waxaa shaaha ku jira maaddo la falgaleysa birta raashinka ku jirta arrintaas oo jirka ka horistaagaysa in sidii la rabay uu u noogo birta.

Birtu waxey muhiim u tahay sameynta unugyada dhiigga cas ee Oxygen-ka gaarsiiya dhammaan xubnaha kala duwan ee jirka, haddii birtu ay jirka ku yaraato waxey dhalin kartaa mushkilado loo dhinto.

Daraasaddan caafimaad ee cusub ayaa tilmaameysa in shaaha la cabbo cuntada kadib ay kor u qaadayso khatarta in qofku uu waajaho mushakilado caafimaad oo dhib badan, kuwaas oo la xiriira wadanaha halbowlayaasha dhiigga iyo xididada.

Dhinaca kale, haddii aan eegno, cilmi-baaris caafimaad oo la ay sameeyeen khubaro Shiineys ah ayaa lagu ogaaday in shaaha aadka u kulul laga qaado kansarka hunguriga, gaar ahaan xilliga uu qofku sigaarka cabayo.

Daraasadaha qaar ayaase tilmaamaya faa’iidooyinka muhiimka ah ee Shaahu u leeyahay caafimaadka, waa marka la cabbo xilligiisa ugu wanaagsan, waa saddex saac kadib cuntada saddexda waqti ee caadiga ah.

Source: Maandeeq FM