Kulan Madaxeed u furmey Hogaamiyaasha Khaliijka

78

Hoggaamiyaasha gacanka iyo saraakiil ayaa qorsheynaya in ay ka qeybgalaan kulanka maanta ka dhacaya magaalada Riyad ee dalka Sacuudi carabiya,halkaasi oo ay isugu imaanayan xubnaha golaha iskaashiga Khaliijka.

Kulankaan oo ah kii 39-aad ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan xayirado bishii June ee sanadkii tagey lagu soo rogay dalka Qadar,waxaana kulankaan uu dhacayaa xilli ay muuqdan qulqulatoyin xagga dibolomaasiyadda ah oo ku sii kordhaya gacanka.

Saraakiil u hadashay dalka Qadar ayaa maalinimadii sabtida sheegay in Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uusan ka qeybgali doonin kulankaasi,balse shirkaasi uu ku matali doono wasiir.

Khuburada ayaa sheegay in aysan caddeyn in kulankaasi uu saameyn doono muranka u dhexeeya dhinacyada iyo in xal laga gaarayo ariamaha la isku heysto,wallow muddo hal sano ah ay dalka Qadar ka maqneyd ka qeybgalka shirkaasi.

Dalalka Sacuudi Carabiya,Imaaraadka Carabta,Baxryn iyo Masar,ayaa dalka Qadar ku soo rogay xayiraado saameynaya dhaqdhaqaaqyada dhinacyada dhulka,hawadaiyo badda.

source: SONNA