,, kaftanka maanta ,intee baynu joognaa ,intee baynu joognaa W/Q: Axmednuur guruje

115

Ilaahay nimcooyinka uu dadkiisa siiyo kuwa ugu mudan waxaa Ka mida waqtiga iyo dhulka , dadkiisuna waxay isku dhaafaan siday labadaa uga faaidaystaan .

Waagii qoladii reer Binu israail tiihu Ku dhacay waxaa la inoo sheegay in ay dhulka Ku asqaysnaayeen ,iyagoo muddo isku daba meeraysanayayn.

Tiihuna wax kaleba maahee ,waa gaadhis la aanta ay gaadhi waayeen yoolkii ay Ku socdeen ,waqtigii ay wareerka Ku jireen iyagoo hadana isu arkayay in ay socdaan .

Somaliland waxay jirtay 28 sanadood oo ah rubuc qarni iyo dheeraad , mudadaas oo ah muddo laggu dhisi karayay xadaarad dhamaystiran,hadii la dadaali lahaa .

Hadii aynu eegno aduunku mudadaas siduu isu badalayna , Ruushku wuxuu noqday dawarsade ilaa muruq Wayne ,mudadaas ayàanu labadaa marxladood u Kala gudbay , Ruwaandhina xasuuq ilaa xadaarad bay u Kala gudubtay ,Imaaraadkuna jasiirad ilaa quwad ,laakiin xageena waxaad moodaa in aynu jiifka Ku dhagaysanayno heestii maxamed axmed kuluc ee odhan jrtay ,

Intee baynu joognaa

Intee baynu joognaa

Ma ifkiiibaa

Ma aakhiraa .