Sawirro: Ciidamada Itoobiya Oo Dabaabaadka Dagaalka Gudaha Ula Galay Magaalada Baydhabo

129

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhaweyd ay magaalada gudaha usoo galeen ciidamada Itoobiya oo wata dabaabaadka dagaalka.

Ciidamadan ayaa waxa lagu arkay xaafadaha magaalada Baydhabo ayaga oo aad u hubaysan.

Wariyayaasha magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in haatan xaaladda magaalada ay tahay mid deggan.

Magaalada ayaa waxa labadii maalmood ee u dambeeyay ka socday bannaan baxyo rabshado wata waxaana ku nafwaayey ku dhawaad 15 ruux oo ku jiro guddoomiyihii guddiga ammaanka golaha Baarlamaanka Koonfur galbeed.

Xornimonews-Muqdisho Desk