AMISOM Oo Kulliyadda Jaalle Siyaad Ku Wareejinaysa DF Soomaaliya

67

Ciidamada midawga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ay ku wareejinayaal dawladda Federaalka Soomaliya.

Madaxda AMISOM ayaa sheegay in Kulliyadda Jaalle siyaad ay dayactir deg dega ku sameyn doonaan islamarkaana ay si toosa ugu wareejinayaan ciidamada dawladda Soomaaliya.

Framcisco ayaa sheegay in kulliyadda jaalle Siyaad ay door muhiim ah ka qaadatay hawlgalladii Alshabaab looga saaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.
AMISOM ayaa sheegtay in ay raacayaan qaraarkii qaramada midoobay kaasi oo ahaa in ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib ah ay ugu wareejiyaan kuwa soomaaliya goobaha ay gacanta kuhayaan.

Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ah saldhig 11-kii sano ee ugu dambeeyay ay degganaayeen ayaa noqonaysa middii 3aad ee ciidamada AMISOM ku wareejiyaan dawladda Soomaalliya waxaana ka horraysay Jaamacadda Gaheyr iyo Muqdisho Stadium.