Raysalwasaare Kheyre Oo Si Kulul U Weeraray Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah

105

Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Qatar ayaa weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumaddiisa isaga oo kulan la qaatay siyaasiyiinta Mucaaradka.

R/wasaare Kheyre ayaa ku hanjabay in isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo aanay aqbaleyn in la cabsi galiyo.

Ra’iisalwasaaraha ayaa yidhi “Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna,inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri RW Kheyre.

Hadalka ra’iisawasaare xasan Cali Kheyre ayaa ku soo beegmaya xilli mooshin xilka looga tuurayo madaxweyne farmaajo uu hor yaallo golaha shacabka, waxaana hadalkiisani u muuqdaa mid weerar ku ah dadka mucaaradsan.