Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Guud Ee Magaalada Baydhabo

157

Waxa labadii maalmood ee ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka socday bannaan baxyo rabshado wata kuwaasi oo khalkhal iyo cabsi ku abuuray shacabka magaalada.

Rabshadaha ayaa waxa ku nafwaayey ku dhawaad 15 ruux oo uu ka mid ahaa guddoomyihii guddiga amniga Baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

In kasta oo amniga magaalada Baydhaba uu yahay mid aan la isku hallayn karin ayaa haddana jawigu maanta yahay mid ka deggan sidii uu ahaa maalmihii la soo dhaafay.

Ciidamada Itoobiya ayaa maalintii shalay waxay gudaha u galeen magaalada Baydhabo kuwaasi oo lagu arkay xaafadaha magaalada.

Dadka gadoodsan ayaa waxa ay ka cadhoodeen tallaabadii ciidamada Itoobiya oo garabsanaya maamulka ku meel gaadhka ee koonfur galbeed ay ku xidheen Musharrax Mukhtaar Roobow oo ahaa musharrax taageero weyn ka haystay shacabka Koonfur Galbeed.

Xornimonews-Muqdisho Desk