Ethiopia Oo Danjire Cusub U Soo Magacawdey Somaliland

140

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay danjire cusub u soo magacawday xafiiska ay ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Danjirahan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin, ayay warar soo baxay sheegeen inuu yahay danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

 

Danjire Shamsudiin, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta ruug-cadaaga ah ee Itoobiya, waxaanu soo noqday safiirka Itoobiya ee dalalka Djibouti iyo Kenya.

 

Danjirahan ayaa wuxuu bedelayaa danjirihii hore ee Itoobiya muddo ku dhow tobanka sannadood u fadhiyay caasimadda Hareysa danjire Berehe Tesfaye. Diblomaasigan hore ayaa wuxuu ku suganyahay magaalada Addis Ababa, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin badan oo ay Itoobiya ka soo bedeshay safaaradaha ay dunida ku leedahay.

 

Geeska afrika