Ra’iisul-wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo loo aqoonsaday Hoggaamiyaha Afrika ee 2018

101

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa loo aqoonsaday Hoggaamiyaha Afrika ee ugu wanaagsan sannadkan sii galabanaya ee 2018, waxaana kaalintaas ku maamuusay The African Leadership Magazine.

Ra’iyi ururin Laga qaaday hal milyan oo qof, waxa dadkii la wareystay boqolkiiba shan iyo siddeetan ay u codeeyeen Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Amina J. Mohammed oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, isla markaana ahaan jirtay Wasiirkii hore ee deegaanka Nigeria, ayaa iyana ku guulaysatay haweeneyda ugu wanaagsan ee haweenka madaxda ah ee Afrika sannadkan 2018.

Waxa xafladii lagu gudoonsiinayo abaalmarintan lagu qaban doonaa magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika 22ka Bisha Feberwari 2019ka.
Xigasho: Fana News