Tirada Dadka Ku Dhintay Diyaaraddii Ethiopian Airline Ee Saaka Burburtay

91

Diyaarad uu nooceedu ahaa Boeing 737 oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada caalamiyga ah ee Itoobiya  ayaa la sheegay inay saaka burburtay, xilli ay ku sii jeeday Nairobi, sidaas waxaa Twitter-kiisa ku sheegay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Abiy Ahmed.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in diyaaradda ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa oo ay tiradoodu dhammayd 157 ruux.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa xaqiijiyey shilkaasi, isagoo sheegay inay Shirkaddu hadal-qoraal ka soo saari doonaan faahfaahinta shilkaasi.

Ra’iisal wasaare Abey Ahmed ayaa waxa  uu u tacsideeyey dadkii ku geriyooday shilkaasi Diyaaradaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duullimaadyada qaar oo saaka ka kici lahaa Addis Ababa dib loo dhigay halka qaar kalena la kansal gareeyay.

 

Xornimonews-