Saynab Cige uma qalanto!

214

Waa markii u horeysay ee aan nolosheyda arko, waan jeclaa inaan la kulmo oo waliba la sheekaysto, runtii waa dadka aan ugu jeclahay Soomaali, wanaag iima sameyn, ismana naqaano.

Markii u horeysay waxaan codkeeda bartay 7jir anigoo ah waa maalintii u horeysay ee aan usoo guurey magaalada Hargeysa oo aabo iyo hooyo isku raaceen inaan wax ka barto.

Codkeeda waxaan si lama filaan ah uga bartay gaadhiga oo ay ka baxaysay hees ay ku luuqeynaysa oo midhaheeda ay ka mid ahaayeen “Lix kun lix boqol iyo lixdan iyo lixbaan ku ladhey” ma aqaan macnaha heestu gudbinayso balse waxaan markaasi ku khasbanaaday inaan dhagaha u raariciyo oo aan kala mid ahaa rakaabka gaadhiga ila saaran.

17sano kadib ayaan la kulmay si aan ugala sheekaysto taariikhda saaxiibadeed oo ay isku dheeraayeen, inkasta oo aan dhageysan jiray si dhowna ugu xidhnaa muddadaas dheer haddana waxaan nasiib u yeeshay inaan arko anigoo wariye ah. 4:00PM goor sheegta Hargeysa oo ku beegan ayaan ka wacay telefon ay sidatay oo Muqdisho la iiga soo sheegay numberka waxaa ugu horeeyay 0633.

Malahayga waxaan is lahaa ma helaysid, waa mashquul iyo haddii aad hesho wanaaga aad u hayso kala kulmi maysid, nasiib wanaag sida aan ku bartay dadka xirfada kula jira ma ahayn oo si degan ayay iila hadashey isla markiiba waxay iga aqbashay inaan la kulmo oo aan ugu tago guriga ay Hargeysa ka degantahay.

Waa maalin boqran oo iiga duwan ayaamaha kale, qof aan 17sano dhageysanayay oo aan la kulmayo wali aan wareysi ka doonayo, mar waan u qaadan laayahay oo farxad ayaa i haysa.

Roob ka da’ay magaalada iyo tilmaanta oo aan isku garan waynay ayaa dib ii dhigay saacad iyo soddon minute oo ay i sugeysay.

Hadda waan gaadhay xaafadii ay ku nooleyd, mana aqaan guriga ay ka degantahay, xaafadu waa Pepsiga oo Hargeysa ku taal. Ma aqaan wakhti aan kulmi doono, inay iska noqo odhan doonto laakiin waan ugu soo talogalay diidmo iyo ogolaansho maaddaama ay ku jirto murugada geerida walaasheedii fanka.

Marar badan oo ay isoo wacday intii aan usii socday waxay ii adeegsanaysay kalmado “Hooyo” oo aniga shakhsiyada aan ka aaminsanaa kor usii qaaday.

Warshada Pepsi ayaan ka maqlay codka aan u socday oo qalbigeygu aanu ku qaldi karin qof kale, waa islaan gaaban, oo aan si qurux badan u labisneyn oo haweenkii aan hore ula kulmi jiray la mida, waan u qaaday waayay qofka ila hadlaysaa inay iyadii tahay, si taxadarleh oo dadka waayeelka ahi u socdaan ayay iskaga dhawreysaa biyaha roobka iyo dhagaxa si aanay waxba ugu noqon.

Isla daqiiqado waxay noo tilmaantay guriga ay degantahay, iyadu waa soo lugeynaysaa anniguna waxaan saaranahay gaadhi yar.

5daqiiqo oo aanu sugeynay waxay naga ogolaatay inaan la sheekaysto “Wareysi” si fican ayay iigu warantay inkasta oo mararka qaar wareysigu u joogsanayay ooyin kasoo burqanaysay Indhaheeda, waan ogahay qof qiimo agtaada ku leh oo taariikhdiisa lagaa wareysanayo inaad adba la ilmeyn laheyd shalay oo lasoo aasay.

Wareysiga oo 12 daqiiqo nagu qaatay markii aan dhameystay ee qalbigeygu degay waxay nala wadaagtay dhibaatooyinka haysta saxaafada oo ay igu tuhmaysay inaan ka mid ahay, waan u sheegay inaanaan lacag qaadan oo aanu dadka jilicsan u gargaarno balse marka aad xerada kula jirto saaxiibkaa oo QABAX ku shaqeeya canaanta waad la qabtaa waxay igu tidhi ” Dadka iyo dalka u tudha, intaad kamarado qaadataan qalalaase ha abuurina, naceyb ha isku galinina bulshada, shilimaad ha dhaafsanina nolosha Hablihiina iyo hooyadaa, wax dhisa oo dhinaca wanaagsan sheega, hadda hooyo cidwalba gaajo ayaa u geynaysa in ay wariye noqoto, ha sameyn sidaas, kaaga dhiban caawi oo makaroonkan yar ee aad igu wareysanayso hoos dhig, siyaasiga ha danayn, iskadaaya dhibta waxaa dalka ka socda idinkaa ka masuula, hana qixinina, na ilaaliya waxba idinkuma qabno ee nabada noo ilaaliya, dowlad inaynu ahaano oo nabada noo ilaalisaan ayaanu jecelnahay nimankiinaa wax sheega, haddii kale intaan ku yar oo aan sameystay kamarad u dhiibo ayuu ceebihiina soo bandhigi, naga daaya naxdinta aad maalin walba noo sheegaysaan, hooyo tudhaale yeesha”. Muddo shan daqiiqo ah oo ay i waaninaysay waxaan dareemay qalbi jileec, damiirkayga oo is badalay, waxaan ka xumaadey qof bulshada magac ku leh oo sidaas oo dhan dhibta warbaahinta iyo lacagta ay siistaan beenta ka werweraya, la soco iyadu waliba dalka kuma badna, sidaas hooyooyinkeen ayay ugu werweraysaa, waayahay ayaan kaga imid, aynu joojino laaluushka oo bulshada lacag la’aan aan ugu shaqeyno aan la dagaalano suxufi saaxiibkaaga beenta sheegaya ee bulshada kicinaya, wixii qaldan si nidaamsan aan u sheegno.
Saynab Cige fanaanadii igu weyneyd ee nolosheyda aan arko siday uga cabanayso Qabaxda warbaahintu ku badasho wararka ayay ahayd.Saynab iyo shacabka ay u hadlaysay uma qalmaan inay ka werweraan sheekooyinka aynu baahino.
Fariinta aan kasoo qaaday Saynab Cige waa mid aniga, adiga iyo innagaba in khuseysa, aan ixtiraano kuwa xushmada inagu leh, aan joojino laaluushka iyo garab siinta dulinka ina adeegsada.
Ilyaas Cabdi Cali
Hargeysa Somaliland.