Akhriso:- 10-ka Jaamacaddood Ee Ugu Wanaagsan Adduunka 2018

252

Waxaa kuu suuraggal ah inaad ogaato ku dhawaad 1000 jaamacadood oo ku kala  yaalla 84-dal oo daafaha kala duwan ee dunida, oo soo galay  liiska galay sarreynta Jaamacadaha Adduunka ee 2018, waxaad ka heli kartaa xulashada Jaamcadda aad daneynayso ee aad dooneyso inaad ku biirto.

Haddii aad daneynayso Jaamacad adduunka ugu wanaagsan, waa kuwan 10-Jaamacadood ee ugu wanaagsan Adduunka 2018.

  1. Massachusetts Institute of Technology (MIT)

Sanadkii Lixaad oo xiriir ah ayaa Mac’hadka Massachusetts uu soo galayaa kaalmaha ugu horreeya ee liiska kala sarreynta Jaamacadaha Adduunka, isagoo tusaale fiican u noqonaya jaamacadaha kale sida mar kasta loo noqon kaalinta koowaad. Sababaha uu kaalinta koowaad ku galay waxaa ka mid ah dhowr arrimood oo is biirsaday, waxaa ka mid ah, sumcadda aadka u heerka sarreeya ee uu leeyahay, fursadaha shaqo oo ay haleen ardaydiisa, kulliyadaha kala duwanna waxa uu ka helay qiimo sare waana arrinta ku tusineysa inuu aad u sarreyo cilmi-baariska gudihiisa ka socota.

2- Stanford University

Kaalinteeda wax isbedel ah kuma dhicin, Stanford waxey aad ugu sii dhawaaneysaa mac’hadka Massachusetts dhinacyo badan, qiimeynta akademiyadeed ee la sameeyay, waxeyse kaalinta labaad ku gashay waxaa aad ugu yar ardayda ajaanibka ah ee wax ka barata.

3- Harvard University

Xilli ay ku jirtay kaalinta labaad labadii sanno ee la soo dhaafay ayaa booskaa lagala baxay, jaamacaddan waxey kaalinta koowaad kaga jirtaa ra’yi uruurinta laga sameeyay dadka aqoonyahanka, waana ra’yi uruurin ay mar kasta Jaamacaddu ku guuleysaneysa sanadihii la soo dhaafay.

4- California Institute of Technology (Caltech)

Isbedelka ugu weyn shaxdan ku yimid sanadkan waa liiska halka uu ka soo galay mac’hadka Caltech oo sanadkii hore ku jira kaalinta 5aad, laakiin sanadkan soo fariisay kaalinta 4-aad, isbedelkaa wanaagsan waxaa loo aaneynaa in ardayda mac’hadka ee ka mid noqontay macallimiinta Jaamacadda ay sii korodhay, halka kulliyadaha kala duwan ee Jaamcaddu ay heleen ammaan ballaaran oo dhana tilmaamayaashii laga eegayay.

5-University of Cambridge

Kaalinta 5aad ayaa ugu horreysa iney ka soo muuqato  liiska Jaamacad aan Mareykan ahayn, sanadkii la soo dhaafay liiskan waxey kaga jiray kaalmaha afarta ah ee ugu sarreysa, sidaa darteed iney kaalinta 5aad soo gasho waa dib u dhac, waxeysa aad ugu ammaan tahay oo Jaamcadaha kale ee dunida kaga horreysay shaqo helidda ardayda, waana qodob ay Jaamacaddu ku faani karto.

6- University of Oxford

Waxay ka dambeysaa jaamacadda ay tartamaan iskuna waddanka yihiin ee Cambridge, waxeyse ku faani kartaa, dhanka ardada ajaanibta ah oo ku badan iyo macallimiinteeda oo sidoo kale ajaanib u badan, waa arrin ay kaga sareyso Cambridge.

7- UCL (University College London)

Sidii sanadkii hore ee la soo dhaafayba ay ahayd saddex Jaamacadood oo Ingiriis ah ayaa isku xiga, Jaamacaddan ayaa wax ku barta arday ajaanib ah oo noocyo badan si ka duwan jaamacadaha kale ee Ingiriiska.

8- Imperial College London

Waa jaamacad kale oo dalka Ingiriiska laga leeyahay, waxey ka soo dhex muuqatay liiska 10 Jaamcadood ee ugu sarreeya,  Jaamacaddu waxey qadarin gaar ah ka haysataa, dhanka cilmiga iyo teknolojiyadda, sidaa oo kale dhanka kulliyadda Business-ka.

9- University of Chicago

Mar kale waxaa inagu soo laabtay Jaamacadihii Mareykanka oo kaalinta 9aad ka soo dhex muuqday, Jaamacaddan ayaa sumcad ballaaran ku leh gudaha aqoonyahannada oo aad u ixtiraama.

10- ETH Zurich (Swiss Federal Institute of Technology)

Jaamacaddan oo Swiss-ka ah waxey ku jirtaa kaalinta 10aad ee liiska kala sarreynta Jaamacadaha Adduunka, jaamacaddan ayaa sandkii hore soo gashay kaalinta 8aad, waxa uu hoos u dhucu uga yimid, ardayda oo ku yaraaday dhanka macallimiinta Jaamacadda, laakiin waxaa jira takhasusaadka qaar oo ay kaga sarreysa Jaaamcadaha liiska kaga horreya qaarkood.

Xigasho:- MaandeeqFm