Dawladda Federaalka Oo Amaanka Muqdisho Ku Wareejinaysa Milatariga

428

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan xaqiijinta ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo markaan la sameynaayo isbedel dhanka ciidanka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay qorshaha socda in uu yahay in ammaanka magaalada lagu wareejiyo ciidamo militari ah oo loo sameynaayo talis gaar ah si loo adkeeyo ammaanka magaalada.

Intii badneyn ciidanka xasilinta ayaa laga qaaday waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana la isugu geeyay xarunta xisbiga ee degmada Warta Nabadda.

Kullan xalay ka dhacay madaxtooyadda Somaliya ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sida lagu diyaarin karo istaraatiijiyada cusub ee suggidda ammaanka magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in ay u badan tahay ammaanka magaalada in loo dhiibo saraakiil quburo ah oo ka tirsan militariga Somaliya si loo yareeyo culeyska amni ee ka jira magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laamaha amniga ku canaantay in ay keenaan istaraatiijiyad cad oo ku aadan hanaanka suggida ammaanka Muqdisho.

Qorshaha ugu wayn ee suggida ammaanka Muqdisho ayaa noqday dhagxaan iyo ciid  waddooyinka j lagu wada jaray, inkastoo hadda uu socdo qorshaha dib u eegista ammaanka magaalada.

Xornimonews

Muqdisho, Desk