Dhibaatooyinka Laga Dhaxli Doono Militariga Lagu Wareejinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho

245
  1. 24 Jul (Xornimo):- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay waddaa qorshe ay ciidamada Militariga waddanka ay ugu wareejinayso amaanka magaalada.

Qorshahan Militariga loogu gacan galinayo Amniga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka yimid Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasi oo lagu doonayo in dhammaan Isgooysyada magaalada Muqshidho la dhigo ciidamda Militariga gaar ahaan qeybta 14 October.

Ciidamada Militariga ayaa waxa ay kala wareegi doonaan booska kuwa xasilinta oo muddo ka badan 5 bilood gacanta ku hayay Amaanka magaalada Muqdisho kuwaasi oo laga raray isgooysyadii ay kaga sugnaayeen Magaalada.

Ciidamada Militariga ee lagu wareejin doono Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa Caqabada dhinaca Amaanka ah u horseedi doona sida ay saadaalisay warbaahinta Caasimada, waxaana xusid mudan in bilihii ugu dambeeyay ay ciidamada Xasilinta ay hubka ka dhigayeen kuwa Militariga.

Haddaba dhibaatooyinka Ka dhalan doona waxa ka mid ah:-

1- In ay Isku dhacaan Ciidamada Militariga ee lagu wareejinayo Isgooysyada magaalada iyo kuwa xasilinta ee laga rarayo.
2- Ciidamada Militariga oo fursad u helaya in ay uga faa’idaystaan kuwa xasilinta oo bishii ramadaanka hub ka dhigis ku sameeyay ciidamda militariga ee hubka ku dhex wadan jiray magaalada Muqdisho.
3- Alshabaab oo heli doonta fursado ay weeraro uga geystaan magaalda muqdisho maadaama ay haystaan direeska ciidamada Militariga ee lagu wareejin doono amniga magaalda muqdisho.
4- Ciidamada militariga oo ka cabsan jiray Hub ka dhigista oo fursad u heli doona in ay dib ula soo baxaan hubkooda, maadaama amniga Muqdisho ay iyaga la wareegi doonaan.

Ciidamada Militariga ayaa waxa sida sharciga ah lagu yaqaannaa in ay ka hawl galaan meelo ka baxsan magaalooyinka sida sugidda amniga xuduudaha, iyaga oo dhaqankoodu aanu munaasab ku ahayn magaalooyinka.

Dilalka ugu badan magaalda Muqdisho ayaa waxa geysta ciidamada Militariga iyaga oo raba in magaalada gudaheeda ay ugu dhaqmaan sida ay ugu dhaqmaan goobaha dagaalka.
Si kastaba dawladda Soomaaliya ayaa waxa aanay ku fekerin dhibta ka iman karta ciidamada Militariga ee ay ku wareejinayso amniga isgooysyada magaalada.