Imaraadka, Itoobiya Iyo Eritrea Oo Shir Uga Furmay Dubia

383

Magaalada Dubai waxaa uu shir uga furmay madaxda dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Eritrea.

Shirkan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo dowladdaha Eritrea iyo Itoobiya ay heshiis ka gaadheen colaad u dhaxeysay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid ayaa waxaa uu billad sharafeedka mdaxweynenimo guddoonsiiyay madaxweynaha Eritrea iyo raysalwasaaraha Itoobiya.

Si rasmi ah looma faah faahin ajendaha shirkan hayeeshee waxaa aad loo hadalhayaa heshiis dhinaca dekaddaha ah oo ay dowladda Imaaraadka dooneyso in ay la gasho Eritrea iyo maalgashiga Itoobiya ee dekadaha Eritrea.

Imaaraadka iyo Itoobiya waxaa ay saami ku leeyihiin dekadda magaalada Berbera oo ay maamusho sharikadda D PWolrd.

Imaaraadka ayaa lagu xamanayay in uu dhex dhexaadiyay heshiiska dalalka Itoobiya iyo Eritrea iyada oo sidoo kale $3 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah maalgashi iyo gargaarba ah isugu dartay dalka Itoobiya oo aan dekaddo lahayn.

Raysalwasaaraha Itoobiiya Abiye Axmed ayaa heshiis dhinaca maalgashiga dekadaha ah la galay waddamada Jabuuti, Suudaan,Somaliland  iyo Kenya, waxaa kale oo wadahadal dhinaca adeegsiga dekadaha ah uu dhexmaray dalka Eritrea oo uu dhawaan booqday.