Sanaag: Dagaal Beeleed Ka Socda Deegaanka Ceeryaan & Khasaaraha

927

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Ceeryaan oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal beeleed u dhaxeeya laba beelood oo halkaasi wadda degga.

Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen dagaalkanni, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen labada dhinacba. Dagaalkani ayaa la sheegay in uu saaka subaxnimadii hore saaka bilaabmay ilaa haddana uu socdo.

Sababta rasmiga ah ee dagaalkan ayaa la ogeyn hase yeeshee dadka deegaanka qaarkood oo Xornimo la hadlay ayaa sheegay in sababta dagaalkani ay tahay khilaaf muddo u dhaxeeyey labada beelood ee halkaasi wadda degga.

Deegaanka Ceeryaan ayaa dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Xornimonews – Hargeysa, Desk 

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkaasi kala soco halkan [Xornimonews]