Shacabka Berbera Oo Ka Cabanaya Xadhkaha Laydhka Ee Magaalada & Shirkadda Laydhka Bixisa

372
Magaalada Berbera - Sawir hore /Google

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa cabasho ka muujiyey xadhkaha laydhka ee guddaha magaalada Berbera oo ay sheegeen in wakhtiyada ay dhacayaan dabeylaha xaggaaga ay halis nafeed ku hayaan.

Shacabka Berbera oo maanta la hadlaayay warbaahinta gobolkaasi waxay cabasho ka muujiyeen shirkadda laydhka ee magaaladaasi Tayo Electric oo ay sheegen in ay waxba ka qaban weyday cabashooda. Shacabkani waxay sheegeen in ay tiraba dhowr jeer ay shirkadda laydhka Berbera oo ay gacanta ku hayaan dad gaar ahi ay cabasho u gudbiyeen bal se la dhageysan wayey.

“…maxay ku dhacday in dadkii reer Berbera ay dhibaato ka haysato laydhkii oo sicir barar noqday iyo xadhkihiii laydhka oo dhulka daadsan. Gurigaagii oo shoodh haysto ayay xaajiyadu (gaadhiga shirkadda ee laydhka) ku soo hor mareysaa, waar wire-da iga hagaaji ayaad odhaneysaa, waxa lagu odhan ‘xafiiska orodka iska soo diiwaan geli..”. Ayuu yidhi mid kamid ah shacabka Berbera.

Ugu danbeyntiina maamulka shirkadda laydhka Berbera Tayo Electric ayaan wax jawaab ah ka bixin cabashadani.

Xornimonews – Berbera, Desk