“Sidda Aan Wadkayga (Dhimashadayda) U Hubo Ayaan U Hubaa In Somaliland La Ictiraafayo…” Wasiir Sacad

1174
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland - Sacad Cali Shire - Sawir hore /Google

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in uu rajo wayn ka qabo in Somaliland Icitiraaf caalamiya heli doonto.

Sacad oo wareysi siiyey warbaahinta Goobjoog waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay ahayd waddan madax-banaan oo waddan kale ku darsamay hase ahaatee uu Xaqsoor iyo wanaag uu ka filaayay ka waayay waddankii ay la midoobeen.

“Rajo wayn baan ka qabaa, waxaan hubaa sida wadkayga aan u hubo in Somaliland la ictiraafayo, waayo waa  xaq baadil maaha, Somaliland dooni mayso wax aanay lahayn waxay doonaysaa kaliya waxay leedahay..” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad waxaa kale oo uu yidhi; “qof walba oo aan la hadlo oo aan ka garaabin (Ictiraafka Somaliland) ma jiro, maadaama aan garowshiyihii haysano waxaa innoo xigaa ictiraafki weeye”

Ugu danbeyntiina hadalka Sacad Cali Shire ayaa yimid goor dad badan oo arrimaha siyaasadda fallan-qeeya waxay salluugsan yihiin qaabka ay u socoto siyaasadda arrimaha dibada Somaliland, iyagoo soo jeedinaya in wax ka beddel wayn lagu sameeyo.