Xisbiga Waddani Oo Madaxwaynaha Somaliland Ugu Baaqay In Uu Iscasilo

330
Cali Cantar - Siyaasi ka tirsan xisbiga Waddani SLN

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa madaxwaynaha Somaliland u soo jeediyey in uu iska casilo xilka madaxwaynenimo maadda ayay yidhaahdeen uu waxba ka qaban wayay arrimo badan oo dalka ka taagan – gaar ahaan in aanu madaxwaynuhu aanu war badan ka helin arrimaha taagan.

Siyaasi Cali Cantar oo kamid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Somaliland oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay waxa uu sheegay in madaxwayne Muuse iyo xukuumaddiisu ay wakhti adag ku soo beegmeen. Waxa uu sarkaalkani madaxwaynaha u soo jeediyey in uu talooyinka dadka dhageysto oo aanu madaxwaynuhu keliya ku eekaan madaxtooyada. Siyaasigu waxa uu intaasi ku daray in ka xisbi ahaan ay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka dagaal ee ka taagan gobolada bariga Somaliland.

Cali Cantar  waxa uu Muuse Biixi ku eedeeyey in uu Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan ka qeyb galay shir Soomaaliya loo qabtay isla markaasina ay la kulmeen madaxwaynaha dawladda federaalka uu isagu diray.

Sarkaal Cali Cantar waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Waddani mar kale ugu baaqaayo madaxwaynaha in uu xilka ka deggo.

Xornimonews – Hargeysa,Desk