Gabadhii U Doonaneyd Ayuu Xaday Si Uu Gaadhi Ugu Iibiyo!

336
Lacag dollar ah/Google

Muwaadin khaliijka ka soo jeeda ayaa lagu soo eedeeyay in uu xaday 130-kun oo dirham(35-kun oo dollar), dahab iyo saacado qaali ah gurigii ay ku nooleyd gabadh u doonaneyd oo la siiyay.

Sida ay qortay jariidada “emaratalyoum‘ xeer ilaalinta Ras Al Khaimah ee dalka Emaratka ayaa ku soo eedaysay muwaadinkan in uu ka xaday guriga haweenaydii u doonaneyd lacag iyo dahab si uu gaari ugu soo iibiyo!.

Maxkamadda Ras Al Khaimah ee dalka Emaratka ayaa xukun ku ridday eedeysanaha, xabsi labo sanno ah iyo in Emaratka laga mustaafuriyo, iyadoo arrintani ay dhacday bishii May ee la soo dhaafay.

Qareenka u doodaday eedaysanaha ayaa sheegay in uu yahay qof nafsiyan buka, arrintaas oo ku qaadday in uu xatooyada sameeyo “Waxaan carrabka ku adkeynayaa in uu cadaadis badan la kulmay naftiisuna ay aad u diiqadootay, arrintaas oo keentay in uu garaadka waayo, waxa uu qabaa cudur nafsi ah.”, ayuu yidhi qareenkii u doodayay.

Source [Click]