Ma Liibaano Dalkii Carab La Jaal Noqdaa! 

293


Turki iyo Bakistaan waa labada waddan ee ugu quwadda weyn dalalka Islaamka uguna horumarsan.Waxay liibaaneen goortii ay ka baxeen guumaysiga la diimeeyey ee Carabta. Horumarka dalalka Islaamku waa kordhaa haddba intay ka durkaan Carabta, bal u fiirso dal ba dalka uu ka horumarsan yahay Carabta ka fog, Halka kuwa jaalka la ahi ay ku jiraan dib-u-dhac iyo fakhri ragaadiyey.Waa fursad dahabi ah oo soo martay Soomaalidda haddii aynu ka xidhiidh furano Carabta. Soomaalidu waxay god madow ku dhacday maalintii ay ku biirtay waddamada Carabta. Oo fidno iyo fayras innagu soo afuufeen la innoo soo marsiiyey diinta, taasna waxaa ugu wacan Soomaalidda oo rumaysata waxkasta oo AF-carbeed ku qoran, dabeeto waxay inooga faa’iidaysteen danahooda gaar ka ah. Iyagoo isticmaalaya Soomaali Carab ismood ah oo xoogaa aqoon iyo quud ah ka hela Jasiiradda Carabta, markaa suu meel kasta kaga tookhay faanka iyo xayaysiinta Qowmiyadda Carabta, badanka soomaalidda oo aan aqoon Af-Carbeedka ayaa mooday in jacaylka Carabta Illaah loogu dhawaado, dabeeto waxay nu la kardhannay xanuun daran oo innaga asiibay kasha iyo laabta.

Sida aynu uga badbaadi karnaa waa innagoo qaadna jidkii ay dalalkooda u jeexeen Mustafe Kamal kii Turkigga iyo Musharafkii Bakistaan.Waxay dalalkooda ka sifeeyeen Carab iyo dhaqankeed, iyagoo mamnuucay Af-carbeed, diintii na u turjuntay afafkooda si ay uga baxaan khuraafaadka la diimeeyey iyo dhaqan Carbeedka la diimeeyey.

In diinta la turjunto waxaa kale oo ku badhaadhay dalalka Reer-Galbeedka oo kiristaanka u rogtay afafkooda, waafajiyayna dhaqamadooda kana baxay harawsigii ay baadariyiintu ku hayeen.

Faa’iidooyinka aynu ku qabnay Carabta waxaa kamid ah in ay inoo soo tababaraan hoggaamiyeyaal diimeed iyaga jeebka ugu jira oo ina dhexdhiga sun iyo waabay.Weli miyaad aragtay dhakhtar ama macalin ay Carabi wax inoo soo bartay?
Sannadihii colaadu ka jirtay geyiga Soomaalidda, Carabta oo keliya ayaa ka faa’iiday bur-burkaas, waxay nu noqonay shidaal labaad oo Carabta usoo baxay. Immisa ayay dhallinyaro Soomali ah kelyaha iyo beerka kala baxeen? Immisa ayay qafaasheen oo lacag ka dhaliyeen? Immisa ayay addoonsi ahaan u haystaan? Immisa, immisa!! Sii wad.
bal qiyaas lacagta innaga ga baxda xajka iyo cumradda sannad walba, bal suuree dekadda Dubay ee lagu kala wareejiyo ganacsiga, xoolaha ku luma. Lacagtaas adagi way inoo baaqanaysaa haddii aynu joojino xidhiidhka dhanka keliya ka raran ee aynu la leenahay Jasiiradda Carabta.

WQ: Cabdiqani Axmed Cali