Madaxweynaha Soomaaliya Oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Uu Ku Abuurayo Guddiga Dhaqaalaha Qaranka.

385

Muqdisho (Xornimonews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka isaga oo soo saaray xeer uu ku abuurayo guddigaasi.
Xeerkan uu madaxweynuhu soo saaray ayaa ku taariikhaysan 12ka bishan July, waxaana la sheegay in xeerkan uu madaxweynuhu soo saaray isaga oo cuskanaya Qodobka 87aad iyo ka 90aad ee Dastuurka Kumeel gaadhka ah, waxaana sababay abuuritaanka gudigan kadib talooyin ay soo jeediyeen Golaha wasiirada soomaaliya gaar ahaan wasiirka Qorshaynta Qaranka.
Golahan la abuuray ayaa ka kooban Madaxda dawlad goboleedyadda, Guddi hoosaad dhaqaalaha golaha wasiirada ah,Gudoomiyaha baanka dhexe iyo la taliyayaal qaran.

Hoos Ka Eeg Xeeka Uu Soo Saaray Madaxweynuhu

Source: Radiodalsan