Saameynta Uu Heshiiska Ereteriya Iyo Itoobiya Ku Yeelan Karo Somaliland & Djibouti Iyo Doorka Imaaraatku Uu Ciyaarayo

423

Hargeisa (Xornimonews):- Magaalada Abu-Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta waxa shalay ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda Imaaraatka,Ethiopia iyo Eritrea. Wuxuu gunaanad u ahaa dedaal aan si rasmi ah loo garanayn cidda dabada ka riixaysay oo ay ugu dambeyn labadan waddan ku saxeexeen heshiis taariikhda galay warbixintan oo uu qoray wargayska geeska Afrika ayaa u dhignayd sidan:-

Dad badan oo isweydiinayay su’aal ahayd dalka dhexdhexaadiyay Eritrea iyo Itoobiya, ayaa shalay helay jawaabta oo ah inay guuleysatay diblomaasiyadda Imaaraatka Carabta iyo Sucuudiga oo u muuqda in Maraykankuna hoosta ka wado.

Dhaxal sugaha Imaaraatka Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid ayaa qasriga Madaxtooyada kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Afewerki, waxaanu amaanay heshiiska dhex maray Eritrea iyo Itoobiya isaga oo billad sharafka ugu sarraysa Imaaraatka Qoorta u sudhay labada hoggaamiye.

Heshiiska labadan waddan oo ay dunidu aad usoo dhaweysay ayaa waxa la aaminsanyahay in uu wax weyn ka tari doono degganaanshaha mandaqadda geeska Afrika. Meelaha la aaminsanyahay in heshiiskani Saameynta ku yeelan doono waxa ka mid ah Djibouti iyo Somaliland. Jabuuti waxa ay la baaxaadegaysaa walaac siyaasadeed oo ay ka qabto heshiiskan. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraaq u diray bishan safiirrada jabuuti kaga maqan dunid waxaana ay Jabuuti ka digaysaa in Eritrea cunaqabataynta si fudud looga qaado.
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa warbixin uu shalay ka qoray walaaca Jabuuti ay ka qabto heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea wuxuu ku yidhi “Toddobaadkii hore, diblomaasi reer jabuuti ah {Wasiirka Khaarajiga Jabuuti}, ayaa ka murugooday in itoobiya kursiga ay ku fadhido ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay, u isticmaashay in ay ka dhigato cadaadis ay ku doonayso in cunaqabataynta laga qaado Eritrea.”, wuxuuna wargaysku intaas raaciyay “Haddii Eritrea cunaqabataynta laga qaado, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti wuxuu qirsanyahay in ay saameyn taban ku yeelanayso waddankiisa.”

Wargeyska Daily Nation oo warbixintiisa sii wataa, soona xiganaya warqaddaas uu wasiirka khaarajiga Jabuuti siiyay Safiirradiisa oo warbaahintu heshay , Maxamuud Cali Yusuf Wasiirka khaarajiga Jabuuti waxa uu ku andacooday in Eritrea weli laga rabay in ay joojiso hab-dhaqankeeda dagaalka ah ee ay kula macaamilayso deriskeeda iyo in itoobiya ay khalad ku geli karto aqbalaaddaas deg degga ah ee ay kusoo xerogalisay.”

Qodobka koowaad ee Jabuuti warwarka geliyay ayaa ah dalka dhexdhexaadiyay Itoobiya iyo Eritrea oo ah Imaaraatka Carabta oo heshiiskan hir galiyay dhawr bilood uun ka dib markii ay jabuuti laashay heshiiskii DP World ee dekedda Dooraale. waxa ay Jabuuti u arkaysaa in heshiiskan Imaaraatku ku bixiyay Maalgalin siyaasadeed ujeedadiisuna tahay in uu wiiqo Jabuuti dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba.

Dhawaan markii khilaafku ka qarxay waddamada khaliijka ee ay Jabuuti la safatay garabka Sucuudiga ayaa Ciidamo Qatar ka joogay Xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ay isaga baxeen taas oo sababtay in Eritrea ay dhul dheeraad ah ka qabsato Jabuuti, waxaana ay jabuuti dhawaan sheegtay in Eritrea ay ciidamo soo dhoobtay xadka kala dhexeeya Jabuuti.
Qodobka labaad ee Jabuuti walaaca ku haya ayaa ah in Itoobiya u wareegto dhinaca dekedda Eritrea, maadaama Jabuuti ahayd waddanka kaliya ee kootada ku haystay dhoofka iyo wax lasoo degista Itoobiya, waxaanay ahayd Jabuuti waddanka kaliya ee faaiidada weyn ku qabay colaadda labada waddan ee Eritrea iyo Itoobiya. waxa kale oo suuro gal ah in dalal kale oo uu maraykanku kow ka yahay in ay saldhigyo ciidan ka sameystaan Eritrea taas oo iyaduna wiiqaysa saldhigyada hadda ka furan Jabuuti waana dhaawaca labaad ee jabuuti kasoo gaadhi kara heshiiska labadan waddan.
Imaaraatka Carabtu hore ayay u ballan qaadeen in Jabuuti ay ku celin doonaan noloshoodii hoosayay ee ay ku sugnaayeen intii aanay DP World cududdeeda ku biirin horumarka dekedda Jabuuti.
Dalka labaad ee heshiiskani saameynta ku yeelanayaa waa Somaliland. waxa dhawaan si rasmi ah dekedda Berbera ula wareegay shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World, oo saami dhan 19% ka siisay Itoobiya maalgashiga dekedda Berbera. Suuqa ugu weyn ee ay DP World ugu talo-gashay dekedda Berbera waxa weeye Itoobiya.
Dad badan ayaa aaminsan in heshiiska Itoobiya iyo Eritrea uu saameyn ku yeelanayo fikirkii DP World ay ku doonaysay in kkadinka Itoobiya noqdo Berbera. Somaliland Imaaraatka waxa kala dhexeeya heshiiska sababta u noqday in Imaaraatka Somaliland ku wareejiso dekedda Berbera iyo saldhigga Berbera, waxase iyana xiiso leh in imaaraatku kasoo shaqeeyay heshiiskan,iyadoo DP World ay tahay shirkad ay leedahay UAE, waxaana markaa soo baxay arrin u baahan fasir badan oo ah ujeeddada rasmiga ah ee Imaaraatku iyo DP World ka leeyihiin dekedda Berbera, iyadoo marka horeba jireen dad reer somaliland ah oo su’aalo ka qabay dhumucda xidhiidhka somaliland iyo Imaaraatka.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo Jabuuti dareensan halista oo waajahday waxa ay bilowday dedaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay kula heshiiso dalka Eritrea. waxaanu wasiirka khaarajiga Jabuuti safaro ku marayaa wadamo badan si uu taageerro ugu helo dalabka ay jabuuti u gudbisay qaramada Midoobay ee ah in la dhammeeyo khilaafka xuduudeed ee Jabuuti iyo Eritrea.
Djibouti waxa laga dareemayaa in ay doonayso inay ka gaashaamato in aanu saameyn taban ku yeelan heshiisku,haddii uu ku yeeshana saameyntaasi noqon karto mid khatartedu yartahay ama la xakamayn karo.
laakiin waxa muuqata inaanay Somaliland weli dareemin amaba si culus u garwaaqsan saamaynta uu heshiiska Itoobiyo iyo Eritrea ku yeelan karo. waxa dawladda Somaliland looga baahanyahay inay samaysato qorshe iyo diyaar garaw ay kaga gaashaaman karto saamayn kasta oo taban oo uu heshiiskani ku yeelan karo, waxaanay arrimahan kaga gudbi kartaa habacsanaanta siyaasadeed ee ay waayadan dambe ka jirta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo meesha laga saaro iyo la tashi ballaadhan oo uu Madaxweynuhu arrintan kala yeesho saaxiibbada iyo dadka aqoonta u leh arrimahan si loo raadiyo xal ay Somaliland kaga baxsan karto dhib ka dhalata isbedellada xawaaraha ku socda ee gobolka ka taagan.

Warbaahinta Xornimonnews

Hargeisa Desk.

Xornimonews@hotmail.com