Shirar Iska Soo Horjeeda Oo Ka Furmaya Jigjiga Iyo Diridhaba

478

Wararka ka imanaya dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in bisha August billowgeeda ay magaalooyinka Dirirdhaba iyo Jigjiga ka furmi doonaan shirar iska soo horjeeda.

Shirka Dirirdhaba waxaa ku dhawaaqay waxgaradka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaana ay ujeedada shirka ku sheegeen in looga tashanayo aayaha gobolka iyada oo Isbeddel weyn uu ka socdo dalka Itoobiya.

Dhinaca kale shirka Jigjiga ayaa shaaciyay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed isagoo u waramaya idacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga kaas oo sheegay in shir kale oo looga tashanayo aayaha Gobolka Soomaalida uu isla wakhtigaas ka furmayo magaalada Jigjiga –

Shirka Dirirdhaba ayaa lagu sheegay in qof kasta oo Soomaali ah oo isbeddel doon ah uu ka qeybgelayo islamarkaana aayaha Soomaalida Itoobiya xoogga lagu saarayo.

Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka shirkan wax kala socda kuna sugan Adis ababa ayaa sheegay in ay nasiib-darro tahay shirka uu Garaad Kulmiye kaga dhawaaqay Jigjiga iyada oo shir  aayaha Ismaamulka looga hadlayo uu ka furmayo Dirirdhaba.

Xornimonews – Hargeysa Desk