Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Laayay Dalka Koonfur Afrika

305

Capetown (Xornimonews):- Wararka ka Imanaya Waddanka Koonfur Afrika Ayaa waxa ay sheegayaan in 24kii Saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay 2 wiil oo Soomaali ah halka 5 kalena lagu dhaawacay.
Labada wiil ee la dilay oo la kala oran jiray Cali Maxamuud Cadoow iyo Ismaaciil Cabdi Macoow ayaa ah Soomaalidii ugu dambeysay ee lagu dilo waddankaasi waxaana lagu dilay labadoodaba hal xaafad oo ka tirsan Magaalada Cape town, waxaana dilalka labadan wiil ay kala horreeyeen Saacado yar.
Ciidamada Booliska waddankaasi oo sameeyay kadib dilalkaasi baadhitaanno ayaan illaa weli hadda soo qaban cid ka dambaysay dilalkaasi loo gaystay wiilasha soomaalida ah.
Qof kamid ah Dadka Soomaalida ee kunool Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in Bishaan July ay ugu badan tahay beegsiga lagu hayo, marka lala barbar dhigo bilihii bilawga Sanadkaan.
Waxa uuna sheegay in ay ku beertay Wal-Wal ay ka qabaan in ay kii kordhaan Beegsiga ay kala kulmayaan Kooxaha Burcad Koofur Afrika oo kolkii hore weerarada badankood geysan jiray bilaha dhamaaadka sanadka oo xiligaas loo diyaar garoobayo u dukaameysiga Xiliga Kirismiska
Dalka Koofur Afrika waxaa ku ganacsado Soomaali aan tiradooda la heyn oo isugu jirto Shaqaale iyo Milkiilayaal Ganacsi.