DEG DEG: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

524

Wararka naga soo gaadhaya xaafadda Galmudug ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu halkaasi ka dhacay qarax gaari, kaasi oo khasaare geystay.

Gaadhi Kaarib ah oo ay la socdeen illaa Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in uu halkaasi ku qarxay, iyadoo aan la ogeyn dadka gaarigan la socdeen waxa ay ahaayeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaadhiga oo halkaasi marayey uu qarxay, waxaana waxyeello ay soo gaadhay dhammaan dadkii gaarigaasi saarnaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay.

Wixii warar ee ka soo kordha halkan kala soco

Xornimonews – Muqdisho Desk.