Dawladda Soomaaliya Oo Si Qabaw Uga Hadashay Go’aankeeda Khilaafka Sucuudiga Iyo Kanada

552

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay sababta ku kalliftay in ay dhex gasho khilaafka xooggan ee soo kala dhexgalay waddamada Sucuudiga iyo Kanada iyo waxa ku khasbay xukuumadda Soomaaliya inay dhex dhexaad ka noqon weydo khilaafkaasi.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacadda Bbc-da ayaa sheegay in sababta ay Sucuudiga ay u taageereen ay ahaydd in faragalin lagu sameeyay arimahooda gudaha, oo si lamid ahna ay garab istaag umuujin lahaayeen Kanada haddii faragalin ay la kulmi laheyd.

Wasiirka ayaa si qabaw ugu dooday in Soomaaliya ay gaadhay heer ay ka hadli karto xidhiidhka caalamiga ah kuna dhaqmeyso xeerarka caalamiga ah.

Maalintii shalay ayay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya war qoraal ah oo ay soo saartay ku garab istaagtay waddanka Sucuudiga.

Waddamada ugu dhaw Sucuudiga ee ay xulafo wadaagga yihiin ayaan weli ku taageerin Sucuudiga tallaabooyinka uu ka qaatay dalka Kanada.

Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad uu ku sheegay in ay ku taageerayaan Sucuudiga ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maalintiii shalay dawladda Sucuudigu dib usoo celisay Markab sida 30 kun oo neef oo adhi ah kaasi oo laga raray Dekedda Boosaaso.

Xornimonews-Muqdisho Desk