Biyo Yaraan Soo Foodsaartay Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya

440

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo ka mid ah magaalada Addis Ababa ay biyo la’aan baahsani ka jirto.

Waddooyinka waaweyn ee dhex mara xaafadaha qaar ee magaalada Addis Ababa ayaa waxa maanta lagu arkayay dad sita weelka biyaha lagu qaato ee jirikaamada kuwaasi oo raadinaya biyo, waxaana lagu gadayay Jirikaanka 20-ka litir ah lacag gaadhasa 15 Bir oo lacagta itoobiya ah.

dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in u lugeeyeen meelo u jira 3 illaa 4 km si ay usoo gataan biyo iyaga oo tunka ku soo qaadayay biyo ay isticmaalaan.

Xaaladdan biyo yaraaneed ee soo foodsaartay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxa labadii usbuuc ee ugu dambeeyay laga dareemay xaafado badan oo magaalada ka tirsan, waxaan hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ay dhawaan warbixin ku sheegtay in 90% dadka Itoobiya aanay helin biyo nadiif ah oo ay cabbaan.

Maamulka iyo madaxda dalka Itoobiya ayaan illaa iyo weli xal waara u helin biyo yaraanta soo noq noqota ee ka jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Xornimonews-Hargeisa Desk