Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga Ah Oo Maanta Lagu Dhawaaqaayo

410

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska  Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqeysa  imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeed 2017/2018.

Sannadkan ayaa waxaa imtixaanka u fadhiistay 28-kun oo arday oo 18 kun ka mid ah ay yihiin ardayda ka qalinjabineysa dugsiga dhexe – sida uu hore u sheegay xafiiska imtixaanadka Somaliland.

Ardayda dugsiyada dhexe iyo sarre ayaa bishii June 30, 2018 u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah. Waxaana wasaaradda waxbarashada Somaliland hore u sheegtay in imtixaanka sannadkani yahay kii ugu adkaa uguna tayada wanagsanaa.

Ardeyda saaka sugeysa yeedhinta natiijada imtixaanka oo Xornimonews la hadlay ayaa yidhi “…waxaannu dhammaantayo filanaynaa in Alle kheyr wax walba ku dhammeeyo, ardeyda Somaliland-na waxay sugayaan waa natiijada imtixaanka guul insha Allaah”. ayuu yidhi Muxuyadiin Yuusuf Cabdi.

Xornimonews – kala soco natiijada imtixaanka goor dhow.

Xafiis-warreedka Hargeysa.

La wadaag saaxiibaddaa(Share).